Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya oo "alamtara soo dhaafay"

Image
Cabdi Xasan Maxamed [Xijaar] oo mas'uul ka ah amniga doorashadda ayaa la saftey maamulka Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiir amniga gudaha oo la hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay taliyaha booliska Soomaaliya uu soo dhaafay Alamtara ayna tahay in go’aan laga qaato.

Taliye Xijaar oo "isoo mutuxay" ayaa lahaa amarka lagu weeraray gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabkta Cabdisalaan Xaaji Dhabancad oo dhaariyay xildhibaanada cusub ee lagu soo doortay magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

"Inta loo dulqaadan karay waa loo turay taliye Xijaar," ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hadalkiisa ku daray “Waxyaabaha qaarna marka alamtara soo dhaafaan in go'aan laga qaato bay mudan yihiin".

Nuur ayaa balanqaaday "in aysan xisaab la’aan noqon doodin tilaabooyinka xun xun ee ay qaadeen saraakiil sar sare oo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Taliye Xijaar".

"Dabcan wixii maanta uu meesha ka meesha sameeyay xisaabteeda maahan wax ka haraya hadheeraato ama hadhawaato," ayuu yiri isaga oo cadeeyay in Taliye Xijaar uusan sii ahaan Karin taliyaha booliska iyo gudoomiyaha guddiga doorashada maadaama uu ku kacay falal qalqal galin ah.

Rafashada Farmaajo

Wasiir amniga xukumadda Xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in uu "Farmaajo ku jiro rafashadii ugu dambeysay. Waxa uu ka fekerayana waa in aysan waxba ka harin dalkaan".

Farmaajo ayaa 25 April 2021 magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho galiyay dagaal u dhexeeya ciidanka milatariga Soomaaliya taas oo uu ku raadinayay mudo kororsi labo sano ah oo “indha la’aan ah”.

Farmaajo waxa uu waqtigiisu ku ekaa bishii Febraayo 2021, isagoo raacaya tusaalaha xulafadiisa gobolka Afwerki iyo Abiy Ahmed, wuxuu u kordhistay labo sano oo dheeri ah.

Taasi waxa ay horseeday qalalaase dastuuri ah iyo isku dhac hubaysan, oo ugu dambeynti ku qasbay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay joojiyaan muddo kordhintiisa.

Waa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo markii howsha dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ay billaabatay 2004-tii isku dayay inuu xafiiska sii joogo kadib markii muddo xileedkiisu dhammaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho siisey ardayda Suudaan

Ardaydan ayaa wax ka baran doonta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanad dugsiyeedka 2024-2025.

  • Soomaliya

    15-10-2024

  • 05:51AM

AS oo ka faa’ideysanaysa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Itoobiya ayaa heshiis la gashay Somaliland oo ah gobol ka go’ay Soomaaliya, heshiiskaas oo haddii uu hirgalo waxay heli doontaa 20 KM oo badda cas ah.

  • Soomaliya

    14-10-2024

  • 02:59PM