Taliye Asad Diyaano oo baaq kasoo saarey sugida amniga Muqdisho

Image
Dardaarkan ayuu ku jeediyay Shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska oo ka qabsoomay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Taliyaasha hoggaanada,Fadhiyada Madax banaan iyo Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, waxaana diiradda lagu saaray dardar galinta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka Kooxaha Khawaariijta.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardargaliyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM