Taliyihii booliska Dowladda Federaalka oo geeriyoodey

Image

October 30, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ku geeriyoodey taliyihii booliska Dowlada Federaalka  Jen Maxamed Xasan Ismaaciil.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in taliyuhu u geeriyoodey xanuun dhanka wadnaha ah oo si kedis ah u haleelay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in taliyuhu geeriyoodey daqiiqado kadib markii la gaarsiiyey Isbitaalka Umadda.

Dowladdu weli kama hadlin geerida taliyaha waxase la filayaa in saacadaha soo socda mas'uuliyiinta dowladda ugu sareeyaa ka ka tacsiyeeyaan.

Bishii Julay ee lasoo dhaafay ayaa Jen Maxamed Xasan Ismaaciil loosoo magacaabay taliyaha guud ee booliska Dowladda Federaalka.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM