Talo uu Yoweri Museveni siiyey Xasan Sheekh oo lasoo bandhigay

Image
Soojeedintan ayaa ku saabsan dhinaca laamaha nabad-gelyadda si gaar ah dhismaha ciidan qaran.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Uganda, Yoweri Kaguta Museveni Tibuhaburwa, ayaa ku booriyay Soomaalida inay ka fiirsadaan dhismaha ciidan qaran oo leh fikradda saxda ah ee difaaca dalkooda si nabad loo helo.

Baaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli uu dhowaan magaala madaxda dalkaas ee Kampala ku qaabilay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Labada hogaamiye ayaa tababar u soo xiray 3,000 askar Soomaali ah.

Museveni ayaa, sida laga soo xigtey wargeyska afka dheer ee Daily Monitor, waxa uu Xasan Sheekh kula taliyey in uu diirada saaro tababarida ciidamo mutadhawaciin ah ama aan mushahar ka dooneyn dowladda federaalka ah.

"Sidaas waa qaabka lagu dhisay ciidamadda difaaca Uganda," ayuu yir, isaga oo intaas ku daray: "Mushkilada ah ciidan doonaya mushahar waxay hadda haysataa wadamo badan oo ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika".

Wuxuu sii raaciyey: "Burburka hay’adaha amniga waxaa sabab u ah difaaca iyo lacagta oo la isku dhex daro. Waxaad dhistaan ​​ciidan xor ah oo ku salaysan iskaa wax u qabso. Sidaas ayaanu ku dhisnay ciidankeenna".

Hogaamiyahan xukunka dheer ayaa rumeysan in Soomaaliya oo saddex jeer ka weyn Uganda ay fursad u haysato in ay ciidamadda si il-xilqaan ah ugu soo biiraan ciidamadda ayna si bilaash ah ku difaacaan dalkooda.

Sannadkii 2007, Uganda ayaa waxay noqotey waddankii ugu horreeyay ee ciidamo u soo diraya Soomaaliya si ay nabadda u ilaaliyaan. Askartaa waxay ka tirsanaayeen AMISOM oo haatan loo badalay ATMIS oo KMG ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM