Tartankii Odowaa iyo Al Cadaalla oo dhinac u dhacay
DHUUSAMAREEB, Galmudug – Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta Xukumadda Xilgaarsiinta ah Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa gacan ka taagay loolankii uu ugu jiray kursiga xildhibaan ee HOP#69, isaga oo qirtay in looga adkaaday, una hambalyeeyey Cabdiraxmaan Odowaa oo hadda kursiga ku fadhiya mar kalena u tartamaya.
Inkasta oo kursiga doorashadiisa aysan weli dhicin, haddana Al-Cadaalaa aya garwaaqsaday in rajada uu ku hanan karo ay aad u yartahay taas oo keentay in uu ku dhawaaqo in uu iskaga haray tartanka doorashada kursiga HOP#69 oo maalmihii dambe aad looga hadal haayay magaaladda Gaalkacyo dhanka Galmudug.
“Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa adeerkey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta sano ee soo socota insha allaah.” Al-Cadaalada ayaa qoraal ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay.
Al Cadaalla oo ay saaxiib siyaasadeed yihiin Maxamed Xuseen Rooble wasiirka 1aad ee Xukumadda ayaa hadalkiisa ku daray “Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga. Waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin. Halganku wuu soconayaa insha allaah. Dhamaanteen waan guulaysanay. Gacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaah.”
Cabdiraxmaan Odowaa, oo soo noqday wasiirka arrimaha guddaha Faderaalka iyo dib u heshiinta dowladii Xasan Sheekh ayaa uga mahd-celiyey Al-Cadaala inuu tartanka uga haray sida oo u rajeeyay Mustaqbal ifaya.
“Waxaan u mahad celinayaa Wasiir ku xigeenka warfaafinta wiilkayga Abdirahman Yusuf Omar sida sharafta iyo xurmadda leh ee uu iigu tanaasulay. Waxaan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan anoo ballan qaadaya inaan gacmaha is qabsanno si aan ugu adeegno bulshadeenna. Caawo waan wada guulaysanay adeer. Allaa mahad leh,” ayuu yiri Odowaa.
Go’aanka Al-Cadaala ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga doorashaa Galmudug ay soo saareen liiska odayaasha soo xulaya ergooyinka saddex kursi oo doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Gaalkacyo, oo uu ka mid yahay kursiga HOP#069.
Liiska odayaasha lasoo saaray ayaa u muuqda inuu dhan u riday loolankii Odowaa iyo Al-Cadaala, ayada oo GO uu fahansan yahay in odayaasha loo xil-saaray ergo xulista ay taageersan yihiin Cabdiraxmaan Odowaa.
Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Qoor Qoor ayaa cadaadis xooggan kala kulmay ganacsatada iyo odayaasha beesha kursiga leh, oo la sheegay in ay si aad ah u doonayaan in dib loo doorto Odowaa, taasi oo keentay in odayaal taageersan Odowaa loo xil-saaro soo xulista ergada.
Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa Sabtida maanta ah dagan, inkastoo qeybo ka mid ah magaalada lagu arkayo maleeshiyo beeleed hubeysan oo wata gawaarida dagaalka.
Gadoodka ciidankan ayaa salka ku haya seddex kursi oo maalinta Axadda lagu wado in lagu qabto magaalada Gaalkacyo, waxeyna ciidanka oo aan la hadalnay inoo xaqiijiyeen in rabitaankoodu yahay in la furo tartanla dhammaan kuraasta taalada Magaalada Gaalkacyo oo aanan dad gaar ay loo xirin.
GAROWE ONLINE