Tirada wasiirrada ku baaqay in R.W. Cabdiweli is casilo oo korortay

Image

November 18, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed oo maanta shir gudoominayey kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu isugu yimaadeen ayaa loo gudbiey warqad 17 xubnood oo wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowleyaal isugu jiraa ku saxiixan yihiin, taasoo looga dalbanayo inuu xilka isaga dego.

Qoraalka Ra'iisul Wasaaraha loo gudbiyey ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii sidan oo kale 14 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Cabdiweli Shiikh u shaaciyeen inay kalsoonida kala laabteen uguna baaqeen inuu sida ugu dhaqsaha badan xafiiska ku baneeyo.

Warqadda saaka loo gudbiyey Ra'iisul Wasaaraha oo GO nuqul kamid ah heshay ayaa u qorneyd sidan:

Weli ma jiro wax war ah oo arintan ku saabsan oo kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, waxaana xusid mudan in Cabdiweli Shiikh oo shalay si kooban warbaahinta ula hadlay beeniyey in lasoo gaarsiiyey qoraal looga codsanayo inuu xilka isaga dego.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM