Todoba qof oo dumar ah oo maanta degmada Tiyeeglow lagu diley

Image

December 10, 2014 (GO)- Todoba haween ah ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu diley degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Labo ka mid ah haweenkaas oo ahaa xaasaska askar ka tirsan ciidamada dowladda waxaa guryahooda kala baxay kadibna duleedka Tiyeeglow ku gowracay mileeshiyaad ka tisan Al-shabaab.

Intaas kadib askari ayaa bartamaha Tiyeeglow ku diley shan dumar ah oo la sheegay inay ahaayeen xaasaska saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Askariga dilka geystey oo daqiiqado kadib boolisku gacanta ku dhigeen, waa mid kamid ah labada askari ee xaasaskooa Al-shabaabku toogteen.

Xaaladda Tiyeeglow ayaa xiligan aad u kacsan, waxayna dadku aad u hadal hayaan falkan oo ah mid ku cusub dhegaha bulshada.

Tiyeeglow waxaa ku hareeraysan mileeshiyaadka Al-shabaab iyagoo diiday in magaaladaas wax gaadiid ahi u gudbaan.

Dhowaan deegaano hoos taga degmada Buuloberde ee gobolka Hiiraan waxaa lagu gubey dhowr guri oo xubno Al-shabaab ka tirsani leeyihiin, falkaasoo aargudasho u ahaa dilka ganacsade  kooxdaasi gowracdey kadibna gurigiisa iyo gaarigiisana la gubey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM