Turkiga Oo Diyaaradaha Akinci ee Casriga ah usoo diraya Soomaaliya

Image

MOGADISHU, Soomaaliya — Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya soo dirto laba diyaaradood oo Akinci UCAV ah, Talaadada, 18-ka Maarso, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Diyaaradaha Akinci, oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa ka awood badan kuwa TB-2 ee horey u jiray, iyagoo leh awood dagaal oo dheeri ah, hase yeeshee wali kuma guuleysan dowladda ayaan lahayn Ciidan kuwa cirka ah oo shaqeeya, ama khubaro militeri oo aqoon u leh isticmaalka drones-ka.

Ilaha xogta ayaa sheegaya in Turkigu ujeedadiisu tahay inay kor u qaadaan awoodda ciidamada Millateriga Soomaaliya (SNA) ee ka hortagga kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana hoos u dhigaan horumarka kooxahaasi sameynayaan.

Diyaaradaha Akinci ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan in la xakameeyo horumarka degdega ah ee kooxaha xagjirka ah, isla markaana ay taageeraan hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku ah nabadda dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM