Ugu yaraan 30-qof oo dagaal beeleed loogu dilay HirShabelle

Image
Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin iska horimaadyadaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 30-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaan ku dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay in uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah. Sababta saxda ah ee iska horimaadka ayaan weli kala cadeyn.

"Jawiga waa mid kacsan, dadkuna waxay ka walaacsan yihiin in dagaal kale uu qarxo," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Inkastoo dowladda federaalka ay horay u wadeen dadaallo lagu xallinayo khilaaf beeleedyada soo noq noqday ee ka dhacay deegaannada maamulka Hirshabeelle, ayaa haddana dhacdadii ugu dambeysay waxay muujineysaa sida ay u jilicsan tahay nabadda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin iska horimaadyadaas, mana aysan soo bandhigin tallaabo deg deg ah oo xaaladda lagu qaboojinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM