UN-ka oo ansixiyey howlgalka cusub ee badalaya taliska ATMIS

Image
AUSSOM waxay hawlgelin doontaa ilaa 12,626 askar ah, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee loo yaqaan UNSC ayaa ansixiyay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Talaabadan ayaa waxay calaamad u tahay isbeddelka dhinaca amniga ee Soomaaliya, iyadoo dalku si weyn ula wareegayo xasilloonida Soomaaliya.

Qaraarka tirsigiisu yahay 2767 (2024) ayaa lagu ansixiyay 14 cod halka Mareykanka uu halmar ka aamusay, waxaana lagu bedelay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Hawlgalkan cusub ayaa lagu wadaa inuu bilaabmo Janaayo 2025, iyada oo hawlgallada la soo gabagabeynayo Juun 2025, waxaana wali aan la go'aamin dalalka kamid ah.

AUSSOM waxay hawlgelin doontaa ilaa 12,626 askar ah, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, waxayna hoos imaanaysaa 12 bilood oo shaqo ah si ay uga caawiyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay uga hortagaan Al-Shabaab iyo khataraha kale ee argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeysay in ay heshay 11,000 oo askari oo ka tirsan AUSSOM, taasoo wax ka qabaneysa walaaca laga qabo galdaloolooyinka dhanka ammaanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM