UN-ka oo sare u qaadaya gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso gargaarka bini’aadannimo ee loogu talo galay 4.9 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul ee sida ba’an u sameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.

Sida lagu xusay warbixintii ugu dambeysay ee xaalada abaareed ee ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadannimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in xaaladda degdega ah ee abaaraha Soomaaliya ay ka sii dartay heer uu dalku wajahayo macaluul baahsan.

Adam Abdelmoula, oo ah isku duwaha gargaarka bini'aadannimo ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in heerarka baahidu ay si xawli ah kor ugu kaceyso islamarkaana ay dhaaftay awoodda ah in wax looga qabto agabka la heli karo.

"Qiyaastii 4.9 milyan oo qof ayaa waxaa saameeysay abaarta soo noqnoqatay, waxaana la filayaa in ay kasii dari doonto dhammaadka bisha Juun," ayuu yiri Abdelmoula ka dib markii uu booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo si ay u qiimeeyaan dhibaatada abaarta.

OCHA ayaa xustay in hay’adaha samafalka, maamulka iyo bulshada deegaanka ay dardar gelinayaan gurmadka si wax looga qabto saameynta ka dhalatay abaarta, iyadoo laga cabsi qabo in ay macluul isku bedesho.

Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa soo arkay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin bulshada deegaanka ee ku barakacay abaarta ba’an ee dalka ka jirta, iyadoo socdaalkan uu sidoo kale dhiirogelin u noqday sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu ay dhibaateeyeen.

Dadkan ayaa intooda badan haysan wax yaalaha aas-aasiga u ah nolasha aadanaha sida cunno, biyo nadiif ah, daawo iyo hoy ay ka galaan dhaxanta iyo kuleelaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qoysas Ka Barakacay Dagaalada Baladxaawo oo Soo Gaaray Magaalada Mandheera

Mas'uuliyiinta gobolka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo siiyo gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 09:18AM

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM