UN-ka oo soo farageliyay khilaafka Jubaland iyo Villa Soomaaliya

Image
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka degay Kismaayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Axad ah aqalka Martida ee magaalada Kismaayo kula kulmay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo wafdigii la socday. 

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qodobo kale oo xasaasi ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka iyo wadashaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamuladda ayaa sidoo kale miiska la keenay. 

"Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo," ayay tiri Jubaland State House.

Qoraalka ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee siyaasada dalka, bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo qodobo kale".

Wadahadalladan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowlad goboleedkan Jubaland iyo dowladda federaalka.

Xiisadan ayaa ku saabsan qaabka doorashada heer qaran iyo heer dowlad goboleed ee soo socota, taasoo ah arrin muhiim ah oo horseedday burburkii shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan ka dhacay magaalada caasimada u ah waddanka ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha

Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka.

  • Soomaliya

    13-10-2024

  • 09:03AM

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WFP oo kala saxiixdey heshiis muhiim ah

Heshiiskan ayaa ku saabsan qeybinta agabka iyo cuunnooyinka aas aasiga u ah badbaadinta nolosha.

  • Soomaliya

    12-10-2024

  • 04:12PM