UN-ka oo taageeray baaritaanka qaraxyadii Beledwayne

Image
Laba qarax oo ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 50 ruux.

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku baaqday in baaritaanno lagu sameeyo weerarradii ismiidaaminta ahaa ee habeenkii Arbacada ka dhacay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 48 qof.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale cambaareysay weeraradii lagu dilay xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi oo weerarkaasi lagu dilay, waxayna tacsi u dirtay qoysaska iyo qaraabada dadkii lagu dilay.

“Qaramada Midoobay waxay cambaaraynaysaa weeraradii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay xildhibaanad Aamina Maxamed iyo kuwa kale ee shalay (Arbaca) ka dhacay magaalada Beledweyne,” ayaa lagu yiri warbixin kooban.

 “Qaramada Midoobay waxay soo dhawaynaysaa baaritaanka lagu sameeyay falkan foosha xun, waxayna ku baaqaysaa in hannaanka doorashada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo si nabad ah oo ammaan ah”.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dhimashadu ay sii kordhi karto, sababo la xiriira dadka wali dhaawacyada halis u jiifaan.

Cabdulle waxa uu sheegay in qof isa soo miidaamiyay oo soo xirtay jaakadaha qarxa oo dhexda kaga soo duubnaa uu ku qarxiyay afaafka hore ee xerada Lamagalaay oo si aad ah loo adkeeyay amaankeeda.

Qaraxa labaad ayuu sheegay in uu ka dhacay bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku sugnaayeen, isla markaana lala beegsaday gaadiid siday dadka dhaawaca ah ee loola cararay isbitaallada.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay in ay la beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan ergada wax dooranaysa ee ku sugan magaalada Beledweyne ee ka qayb-galaya doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM