UN-ka oo taageeray baaritaanka qaraxyadii Beledwayne

Image
Laba qarax oo ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 50 ruux.

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku baaqday in baaritaanno lagu sameeyo weerarradii ismiidaaminta ahaa ee habeenkii Arbacada ka dhacay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 48 qof.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale cambaareysay weeraradii lagu dilay xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi oo weerarkaasi lagu dilay, waxayna tacsi u dirtay qoysaska iyo qaraabada dadkii lagu dilay.

“Qaramada Midoobay waxay cambaaraynaysaa weeraradii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay xildhibaanad Aamina Maxamed iyo kuwa kale ee shalay (Arbaca) ka dhacay magaalada Beledweyne,” ayaa lagu yiri warbixin kooban.

 “Qaramada Midoobay waxay soo dhawaynaysaa baaritaanka lagu sameeyay falkan foosha xun, waxayna ku baaqaysaa in hannaanka doorashada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo si nabad ah oo ammaan ah”.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dhimashadu ay sii kordhi karto, sababo la xiriira dadka wali dhaawacyada halis u jiifaan.

Cabdulle waxa uu sheegay in qof isa soo miidaamiyay oo soo xirtay jaakadaha qarxa oo dhexda kaga soo duubnaa uu ku qarxiyay afaafka hore ee xerada Lamagalaay oo si aad ah loo adkeeyay amaankeeda.

Qaraxa labaad ayuu sheegay in uu ka dhacay bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku sugnaayeen, isla markaana lala beegsaday gaadiid siday dadka dhaawaca ah ee loola cararay isbitaallada.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay in ay la beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan ergada wax dooranaysa ee ku sugan magaalada Beledweyne ee ka qayb-galaya doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM