UN: Muuse Ganjab xiriir buu la leeyahay Al-shabab

Image

October 14, 2014 (GO)- Dembi baareyaasha Qaramada Midoobay ayaa kusoo eedeeyey mid kamid ah la-taliyaasha Madaxweynaha Somalia inuu wax ka ogaa hub dowladu lahayd oo si hoose loogu gudbiyey kooxda xagjirka ah ee xiriirka leleh Al-qacida ee ka dagaalanta Somalia (Al-shaba), sida lagu shaaciyey warbixin shalay (Isniin) soo saareen gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia.

Mas'uulka lasoo eedeeyey waa Muuse Xaaji Maxamed (Ganjab) oo ah ganacsade caan ah. Muuse waa beeniyey eedaha loosoo jeediyey, wuxuuna fariin email ahay oo wakaaladda wararka ee Reuter u diray ku sheegay in eedaynta loosoo jeediyey tahay isku day la doonayo in lagu wiiqo dowlada Soomaaliya arintaasoo sida uu Ganjab tilmamay dabada ka riixayo madaxa Somali Monitoring Group Jarat Chopra.

"si aad ah ayaan isaga fogeynayaa eedeynta laysoo jeediyey" Ganjab ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey " waqti iyo awood toona taas uma lihi, sina lug uguma yeelan inaan hub cid gaar ah u gudbiyo, waxan doonayaa inaan intaas raaciyo in eedeymaha been abuurka ah ee Mr. Chopra qayb ka yihiin dadaaladiisa siyaasadeed ee la doonayo in lagu wiiqo dowlada Somalia iyo qof qof kasta sida aniga oo kale ee qayb ka qaatay beeninta warbixintii jihawareerka lahayd ee sanadkii hore gudigaasi soo saaray"

Warbixin gudiga la socoshada cuna-qabateynta hubka saaran Somalia iyo Eritrea soo saareen sanadkii hore [2013], waxaa lagu sheegay in mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si shakhsi ah lacago ugala baxeen khasnadda dowlada, taasoo sababtay in 80% lacagta bankiga dhexe laga saaray loo adeegsaday dano gaar ah. Madaxtooyada iyo Cabdisalaan Cumar oo xilligaas gudoomiyaha bankiga dhexe ahaa si weyn ayey isaga fogeeyeen eedeynta loosoo jeediyey.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992 Somalia kusoo rogey cuna-qabateyn dhanka hubka ah kadib markii la ridey dowladii militeriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey dalkuna galay marxalad adag iyo dagaale sokeeye oo qab-qableyaashii dagaalku horseed ka ahaayeen. 

Xigasho: Reuters

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM