Villa Soomaaliya oo isku dayaysa in ay arbushto doorashada Ceelwaaq

Image
Maamulka Farmaajo ayaa horey ugu fashilmay in uu dalka ka qabto doorasho loo dhan-yahay.

KISMAAYO, Jubaland – Magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka socda diyaargow loogu jiro qabashada doorashada 16 kursi ee gobolkaas loo asteeyay iyada oo jiraan cabsi laga qabo rabshado xiisado kala dhasha codaynta gobolkaan oo mudo ka mid eheyd caqabadaha ragaadiyay doorashooyinka dalka.

Ceelwaaq oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Jubbland oo kaashanaya ciidanka midowga Afrika gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Kenya amaanka magaaladda adkeeyay maalmihii la soo dhaafay si ay uga hortagaan rabshada ka dhasha doorashooyinka.

Degmadaan waxaa sidoo kale gaaray wafdi horudhac u ah guddiga doorashooyinka Heer Faderaal iyo heer Dowlad-goboleed oo ku wajahan magaaladaan si ay qabtaan doorashada 16 kursi ee muranka ku taaganyahay.

Saraakiil ku sugan Ceelwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo taabacsan maamulka Farmaajo ay xalay isku dayeen in ay soo weeraraan magaaladda balse uu dhicisoobay qorshahaas.

Cismaan Nuur Xaaji Macalimow, guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ugu magacaawnaa Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in xalay xilli dambe gurigiisa oo kuyaalla Garbahaareey ay kusoo weerareen Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Kismaayo

Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose Axadii waxaa gaaray Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan guddiga kuwaas oo Axmed Madooble kala hadlay fududaynta codaynta gobolka Gedo.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashada 16-ka kursi ee loo wareejiyay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo abuurista jawi doorasho oo lagu kalsoonaan karo.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomidda doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq iyo sidii loo dardargelin lahaa, iyadoo Madaxweynuhu uu ballanqaaday in Jubbaland ay diyaar la tahay wixii taageero ah, oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Garbahaaray.

Maamulka gobolkaasi ka arrimiyaha oo hoos taga dowladda Faderaalka ah ayaa sheegay in aysan qayb ka ahayn waxa ay ugu yeereen boobka doorashada ee lagu qabanay Ceelwaaq, kadib markii laga soo wareejiyey Garbahaarey.

Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka NISA ee maamulka Farmaajo gobolkaasi geeyay ay abaabulayaan weerar ka dhan ah ceelwaaq si loo arbusho doorashada golaha shacabka.

Ceelwaaq ayaa ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la filayaa in amniga doorashada halkaas ay sugaan ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM, sida uu xogta ku helay warsidaha Garowe Online.

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamo taabaacsan madaxweyne Farmaajo oo isugu jira xoogga dalka iyo NISA, gaar ahaan qeybta Duufaan, waana mid ka mid ah sababaha maamulka Jubaland u diiday inuu doroasho ku qabto Garbahaarey.

Doorashada gobolka Gedo ayaa muddo aheyd xudunta khilaafyadii keenay dib u dhacay sanadka ka badan ee doorashada Soomaaliya, ayada oo oo ay isku hayeen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadda u muuqda inuu loolankaas ku guuleystay haddii aanu dhicin isbeddel kale oo deg deg ah.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Khamiistii shaaciyay in kuraastii taalay Magaalada Garbahaarey loo wareejiyay Ceelwaaq, ka dib markii ay sheegeen inaanan doorashadaasi lagu qaban karin Garbahaarey.go’aan waxaa taageeray Axmed Madoobe iyo Xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Turkiga u saxiixay inuu yeesho 90% Dakhliga Shidaalka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ee heshiiskan ayaa dhaliyay muran xooggan oo ku saabsan cadaaladda heshiiska.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 01:12PM

Midowga Yurub: Ma sii wadi karno kaligeen kharashka nabad ilaalinta Soomaaliya

Shirka Kampala ayaa noqon doona talaabo muhiim u ah dejinta ajandaha shir madaxeed la filayo in uu dhaco horraanta bisha Maajo.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 08:26AM