Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka bilowday Baydhabo

Image
Hogaamiyaha Puntland, Saciid Deni, ayaa "khilaaf siyaasadeed" uga baaqdey wadahadalkan.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Khamiista maanta ah waxa uu ka bilowday magaaladda Baydhabo ee caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

Hogaamiyaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen ee Puntland, Saciid Deni ayaan ka qeybgelin kulankan. Xafiiskiisa warfaafinta ayaan wali sharaxaad ka bixin maqnaanshiyahiisa.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay in ajandaha shir-madaxeedkan uu yahay "qaab dhismeedka nabad-gelyada qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed".

"Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka," ayay raacisay Villa Soomaaliya.

Dad xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in ay guuldareysteen "isku-dayo la doonayey in waan-waan looga dhex-bilaabo Villa Soomaaliya iyo Saciid Deni".

HOOS KA AKHRISO BAYAAN KALE OO VILLA SOOMAALIYA SOO SAARTEY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM