Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka bilowday Baydhabo

Image
Hogaamiyaha Puntland, Saciid Deni, ayaa "khilaaf siyaasadeed" uga baaqdey wadahadalkan.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Khamiista maanta ah waxa uu ka bilowday magaaladda Baydhabo ee caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

Hogaamiyaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen ee Puntland, Saciid Deni ayaan ka qeybgelin kulankan. Xafiiskiisa warfaafinta ayaan wali sharaxaad ka bixin maqnaanshiyahiisa.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay in ajandaha shir-madaxeedkan uu yahay "qaab dhismeedka nabad-gelyada qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed".

"Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka," ayay raacisay Villa Soomaaliya.

Dad xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in ay guuldareysteen "isku-dayo la doonayey in waan-waan looga dhex-bilaabo Villa Soomaaliya iyo Saciid Deni".

HOOS KA AKHRISO BAYAAN KALE OO VILLA SOOMAALIYA SOO SAARTEY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM