Villa Soomaaliya oo "miino dhex-gelineysa" baarlamaanka 11aad

Image
Doorshada Baarlamaanka Soomaaliya oo qorshu ahaa in qabto November 2020, ayaan wali la dhamaystirin.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaalla, wasiir ku xigeenka warfaafinta xukumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya oo ka marti ku ahaa Twitter Spaces-ka Garowe Online ayaa sheegay in ay jiraan caqabado iyo Cabdi galin lagu haayo dhamistirka doorashada.

Dooda oo ciwaankeedu ahaa "Doorashooyinka Soomaaliya iyo Qalalaasaha Amniga" ayaa lagu lafaguray caqabadaha ku horgudban doorashooyinka dalka oo waqtigooda dib uga dhacay mudo ka badan hal sano.

Al Cadaalla oo wax laga waydiiyay walwalka laga qabo amniga iyo badqabka wasiirka 1aad ee xukumadda ayaa sheegay “in aan meesha laga saari karin xaqiiqada amni ee ka jirta Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay Al Shabaab tahay khatarka uga wayn “Cidkaste ka kaalmaysee”.

“In ay jiraan shaqsiyaad Soomaali iyo Ajaanib isku jira oo aan dalkaan ka dhex arag danahooda gaarka ah oo Al Shabaab ugu kaalmayna falalkooda cadowtooyo meesha lagama saari karo” ayuu dooday Al Cadaalla.

Dooda kala dhalatay kuraasta la hakiyay

Al caddaala ayaa si adag u difaacay go'aanka guddiga doorashada uu ku hakiyay kursiga Fahad Yaasiin iyo sadex kursi oo kale kuwaas oo codayntoodu ka dhacday Koofur Galbeed Soomaaliya.

"Haddii inta la dhinac maro guddiga FEIT, SEIT iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo barlamaanka lagusoo galo qori, hadde annagu maxaan bannaanka u joognaa?, idinku maxaad bannaanka ujoogtaan?" ayuu yiri wasiir Alcaddaala .

Waxa uu hadalkiisa ku daray “waxaan oo dhib ah maxaa loo marayaa oo dalka loo gelinayaa, waxaa loo gelinayaa qof raba in uu noqdo fowqal-qaanuun, qof dhahaya FEIT go’aan iima gaari karo waa in aan dhinac maro oo sida aan rabo qori ku gaari karo, meesha aan rabana qori ku fadhiisto, haddii sidaas lagu tagi karo maxaa dad badan bannaanka u joogaan, waxa na reebay waa waxa lagu heshiiyay”

Cabdiraxmaan Cadaala waxa uu sheegay in Guddiga FEIT go’aanka uu ka gaaray kuraasta uu baabi’iyay natiijadooda uu u madaxbannaan yahay, waxa uu si cad u beeniyay in uu gacan ku leeyahay go’aankaas Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Kuraastaas guddi baa go’aan ka gaaray waxa ay yiraahdeen waa in lagu celiyaa, go’aan kale oo cid kale ka dhinac gaari karto ma jirto, FEIT waa guddi madaxbannaan oo shaqadiisa heysta, Jaceylka iyo Naceybta Maxamed Xuseen Rooble qofna xildhibaan ku noqon maayo kumana weynaayo” .

Miino baarlamaanka "la dhexdhigayo"

Caga-jugleynta iyo carqaladeynta muuqata ayuu ku qeexay “Miino la rabo in Baarlamaanka Soomaaliyeed, Dhaarinta & Doorashada lagu fashiliyo” si dad qaanuunka dhinac maray la dhex fadhiisiyo oo la isku qabsado meesha kaddibna xaalka isku baddelo qori iyo xoog.

“Waxyaabaha qaarkood ee hadda la rabo in laga dhigo waxaan iyo waxaas aan iska dhaafno Waddanka ayaa dumaayee sidaas ma aha, waa halis waddanka laga hayo, waxa ay keeneyso iyo fidnada ayaa ka weyn, waxa ugu weyn waa in aan ka shaqeyno waxa aan ku heshiinay oo waad ogtihiin sida ay ku yimaadeen Guddiga FEIT iyo Xalinta Khilaafaadka”.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Yaan Dadka Soomaaliyeed lagu marin habaabin shaqsi la neceb yahay ama la jecel yahay meesha ma taallo, waxaa yaalla wixii lagu heshiiyay aan ku socono, waa miino la rabo Baarlamaanka Soomaaliyeed, Dhaarinta & Doorashada lagu fashiliyo, in dadka qaanuunka inta lasoo dhinac marsiiyo oo lasoo dhex fadhiisiyo oo markaas meesha la isku qabsado oo la isku xabadeeyo oo qori & xoog isku baddesho, haddii qori iyo xoog tahay walaalayaalow Niman boqol-boqol baabuur oo tikniko ah heysta ayaa bannaanka jooga Magaaladaan iyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya”.

Doorshada Baarlamaanka Soomaaliya oo qorshu ahaa in qabto November 2020, ayaan wali la dhamaystirin sababo la xiriira caqabado badan oo la hordhigay doorashooyinka dalka sida mudo kororsigii uu ku dhawaaqay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Dagaalyahan oo Daacish Ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM