Villa Soomaaliya oo shuruudo siyaasadeed ku xirtey ciidanka Itoobiya

Image
Fariimahan ayaa lala wadaagay wafdigii Itoobiya ee soo gaarey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Difaaca Itoobiya Aisha Mohammed oo uu wehliyo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Mesganu Arga, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada iyo sirdoonka Itoobiya ayaa shalay soo gaarey Muqdisho.

Wafdigan ayaa kula kulmay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, waxa ay kulan la qaateen madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, sidda ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo war-saxaafadeed rasmi ah soo saartey.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarey kamid noqoshada ciidanka Itoobiya ee howlgalka cusub ee AUSSOM. Itoobiya ayaa dooneysa in ay howlgalkan cusub uga qeyb-qaadato tirada ciidan ee haatan ka joogta Soomaaliya.

Illo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in mas'uuliyiinta Soomaaliya ay miiska soo saareen labo shuruud oo ay sheegeen in ciidamadda Itoobiya ay uga mid noqon karaan howlgalka AUSSOM.

"Shuruudahan ayaa ahaa in ciidamada Itoobiya laga soo badalo meelaha ay haatan ka joogaan gobolada dalka oo kala ah Gedo, Baay iyo Bakool," ayay raaciyeen illo wareedyada. "Waxay u muuqataa istaraatiijiyad aad looga fekeray".

Shuruuda labaad oo ka yimid dhanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu xusay in ciidamada Itoobiya ay noqon doonan kaliya 2,000 askari halka ay haatan tiro aanan cayiman ay ka joogaan qaybo badan oo kamid ah waddanka.

Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in shuruudahan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo Villa Soomaaliya ay ku dooneyso in ay kula wareegto hogaanka maamul goboleedyadda Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Xiriirka u dhaxeeya Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo dhamaadka sanadkii hore 2024 waxaana ay gaartey heer ay ku dagaalamaan magaalooyin ka tirsan gobolada Gedo iyo Jubada Hoose.

Sikastaba ha ahaatee, shuruudahan ayaa waxay ka marqaati kacayaan tuhunkii horey u jiray oo ahaa in maamulka Xasan Sheekh uu khilaafka Itoobiya ku raadinayo dano siyaasadeed oo qaas uuna meel dhigay danta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo ka digay boonka dhulalka danta guud

Ganacsatada ayay si gaar ah ugu waaniyeen in ay ka fogaadaan ku lug-lahaanshiyaha bililiqadan.

  • Soomaliya

    05-01-2025

  • 09:49AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Somaliland ayaan weli cadeyn in heshiiska cusub uu saameyn ku yeelanayo heshiiskii ay hore ula gashay Itoobiya.

  • Soomaliya

    04-01-2025

  • 04:19PM