Villa Soomaaliya oo neef ka raadisay abuurida xaalad jahwareerin ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Soomaaliya ayaa door-biday jahwareerinta bulshadda kadib markii ay kasoo xirmeen irdihii kale ee ay ku carqaladeyn kareen geedi-socodka doorashooyinka dalka.
Kooxda Farmaajo ayaa saacadihii lasoo dhaafay fariimo kala duwan u soo dhiibtey qayb kamid ah guddiga doorashadda guddoonka golaha shacabka iyo taliyihii booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar.
Qayb kamid ah guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Xildhibaanada laga soo doortey Garbahaarey iyo Ceelwaaq aysan ka qeybgeli doonin coddeynta guddoonka golaha shacabka.
Balse, waxaa warkaas si deg-deg ah u beeniyey guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed. Qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa Twitter-ka ayuu ku caddeeyay in hadalkaas uusan waxba ka jirin.
"Qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada golaha shacabka oo aan guddoomiyaha u ahaa ayaa shir jaraa’id  qabtey iyaga oo aan igala tashan. Waxa kale oo ay si khaldan u soo bandhigeen oo ay ku marin habaabiyeen shacabka si loo caddeeyo cidda ka qayb-galeysa arrimaha doorashada berri waa awoodda guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee golaha wakiillada," ayuu yiri.
Kala hadalka Jeneraal Xijaar
Wuxuu ku daray: "Waxaan raaci doonaa oo kaliya kuna shaqeyn doonaa liiska uu bixiyay afhayeenka ku meel gaarka ah ee aqalka shacabka ee baarlamaanka. Waxaa nasiib darro ah in xubnaha qaar ay si aad u hooseysa ugu fogaadaan xaqiiqda jirta".
Xijaar oo hadlay laba jeer kala duwan ayaa marka koowaad wuxuu xusay in amniga doorashadda ay u sugayaan booliska sidda uu faro xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Marka xigta, madaxii amniga doorashooyinka ayaa ka dhawaajiyay in aysan damaanad-qaadi karin nabad-gelyada Xildhibaanadda xaadiraya doorashadda isaga oo ku baaqay in dib loo dhigo coddeynta.
Wasiirka ammaanka gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Garowe Online Twitter Space u sheegay in Xijaar uu ku milmay siyaasadda ayaa dhawaqa Xijaar kaga jawaabay in uu ku sameeyay shaqo ka joojin.
Goobta ay ka dhaceyso doorashadda waa Teendhada Afasiyooni ee ku dhex-taala xeradda Xalane. Howlgalka ATMIS ayaa mas'uul ka ah ammaanka goobtaas. Kaalinta ciidamadda Soomaaliya waa caawimaad.
GAROWE ONLINE