Villa Soomaaliya oo u dabaal-degtay talaabada u qaadey Karaash

Image
Kooxda Farmaajo ayaa isku dayaysa in ay ka dhex-kalluumeysato hogaanka dowladda Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya – Villa Somalia ayaa u dabaal-degtay qoraal madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu goordambe oo arbacadii ah ku sheeegay in uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilkii madaxweynaha Puntland, isagoo faray hay'adaha dawladda in ay u hoggaansamaan ilaalinta iyo dhawrista dastuurka Puntland iyo qawaaniinta kale.

Shaqaale ka tirsan xafiiska madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa barahooda Internet-ka ku daabacay qoraalo ay ugu dabaal hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Qorshaha kooxdaan oo caan ku ah “CBB” ayaa ah carqaladaynta ololaha doorashada madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hada ku sugan magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho si uu uga qayb galo tartanka madaxtinimada Soomaaliya 2022.

Kooxdaan oo Farmaajo abuuray si ay baraha bulshada uga “Aflagaadeeyaan” siyaasiyiinta aragtida duwan madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa xilal sare ka haaya Xafiiska madaxweyne Farmaajo, gobolka Banaadir iyo kuwa dagan hotellada Muqdisho oo lacag lagu siiyo qoraalada lagu amaanayo nidaamka hada jira.

“Agaasimayaal  iyo shaqaale ka tirsan xafiiska madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ayaa barahooda bulshada ugu badaal dagay qoraalka madaxweyne ku xigeenka Puntland iyaga oo fursad u arka khilaaf soo kala dhexgala hoggaanka sare ee Dowladda Puntland” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka falciyay qoraaladaan.

Villa Somalia ayaa sidaan kale horay ugu dabaal degtay ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay golaha fulinta Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) inkastoo markii dambe baarlamaanka xilka ka qaaday gudoomiyaha.

Tan iyo markii madaxweynaha Puntland loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni Villa Soomaaliya ayaa ku kacday dhaqo ku cusub siyaasadaha gudaha taas oo ah in dhaqaale lagu bixiyo kala qaybinta maamulada iyo taageerida siyaasiyiinta abuura buux siyaasadeed.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo 18 April 2022, galaha kulan kula yeeshay golayaasha furinta iyo sharci dajinta ayaa kula dardaarmay guddaha waajibaadka saran hay’addaha dowladda taas oo meesha ka saaray in shaqayinkii ay madaxweynaha ay xayirmaan howladaha doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni illaa haatan kama hadal tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenkiisu. Sidoo kale gudoonka Baarlamaanka iyo garsoonka maamulka ayaan wali hadlin qadiyadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM