Waare oo kashifay qorshaha "inqilaabka" ee Villa Soomaaliya

Image
Madaxwaynihii hore ee HirShabelle ayaa fahfaahiyey qaabka ay kooxda Nabad iyo Nolol dooneyso in ay u fuliyaan "dhagartan".

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in madaxweynaha xilka ka siidagaya ee Soomaaliya Farmaajo uu wado abaabul ciidan, doorashana uusan diyaar u aheyn.

Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyey in dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ciidan uu Farmaajo wado, isla markaana uu aaminsan yahay in ku dhaqaaqi doono isku dayga cudud militeri xilli shaki amaan uu ka jiro magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Waxaan ka war heynaa in hadda abaabul ciidan lagu jiro, Farmaajo wuxuu u yeerayaa saraakiisha, wuxuuna wadaa in qorshe uu rag ku heyb ah ama qorshihiisa ku qanacsan hoggaanka ciidamada loogu dhiibayo,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale Waare wuxuu sheegay in qorshaha Farmaajo ay ku jirto in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii Eritrea ku maqnaa, ciidamo la socda oo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka socda dowlad deegaanka Soomaalida.

“Waxay ciidamadaas dalka ka soo gelayaan Doolow, waxay qabanayaan magaalada Bu’aale, waxay fariisimo ka sameysanayaan Baydhaba, ugu dambeyna waxay soo geli doonaan Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare wuxuu shaki badan ka muujiyey inuu jiro xiriir u dhaxeeya Farmaajo iyo Al-Shabaab, isagoo su’aal geliyey suurta galnimada in xiligaan ay macquul tahay xoreynta Bu’aale oo ah xudunta Al-Shabaab.

“Siyaasadda amniga ee Farmaajo laba tiir ayey ku taagan tahay, kan koowaad waa in maamul goboleedyada lala diriro oo Itoobiya la garabsado, iyadoo wixii ay dalbato la siinayo, tiirka labaadna waa in Shabaab is-faham lala yeesho oo dalka loo qeybiyo meel Shabaab xukumo iyo meel dowladdu xukunto, cid kalena aan xukunka loo ogolaan,” ayuu yiri Waare.

Waare ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu khatar iyo xaalad adag uu ku sugan yahay, waxyaabo badana uu ogaaday markii uu habeeno ka hor jeediyey hadalo xasaasi ah.

“Rooble tacadi badan ayuu ku sugan yahay, hadalkiisii waxaa iiga baxay doorasho la qabto iyo cadaalad la raadiyo iska dhaafe isagu amnigiisa inuu halis ku jiro, oo wuxuu iila ekaa nin meel banaan ah taagan oo waraabayaal badan ay ku wareegsan yihiin, garabna aan heysan,” ayuu yiri.

Hoggaamiyihii hore ee Hirshabeelle oo mar isbahaysi siyaasadeed la ahaa Farmaajo ayaa hadalkiisa ku daray “Hadana Ra’iisul wasaaraha iyadoo aan ognahay qatarta iyo tacadiga heysta, rajo aan asaga aheyn malihin, sababtoo ah hadii maanta uu Rooble meesha ka baxo, kooxda Farmaajo sidii ay rabeen ayey wax noqonayaan,”

Hadalka Maxamed Cabdi Waare ayaa ku soo aaday xilli ay horay u jireen digniino la xiriira in Farmaajo qorshaynayo in uu 12 April maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku dhawaaqo in uu dalka ku soo rogay xukun milatiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM