Wadahadalada masiirka howlgalka badalaya AMISOM oo bilowday

Image
Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay qalinka lagu duugay bishii December 2017-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa maalinkii 3aad magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ka socda shir u dhexeeya Madaxda ugu sareysa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya-AMISOM iyo saraakiil ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya ,iyaga oo ka wada hadlaya qaabka loo wajahayo howlgalka cusub ee Midowga Afrika si loo taageero nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Laga soo bilaabo 1-da Abriil, waxaa socda dadaalo ay wadaan midowga Afrika iyo Soomaaliya oo ay ku doonayaan dalkaan ku yaalla geeska Afrika lagu wareejiyo howlgal cusub oo loogu magac daray “howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), sida ay shaqada ugula wareegaan AMISOM oo Soomaaliya ku sugneed tan iyo 2007.

Shirka Muqdisho ka socda ayaa la doonayaa in lagu heshiiyo habab kala duwan oo lagu caawinayo xilliga kala guurka, iyo sidoo kale in laga doodo qorshayaasha howlgelinta ciidanka cusub ee lagu wareejinayo qayb galka xaqiijinta amniga wadanka.

Shirkaan oo loo yaqaano Sector Commanders’ Conference SCC, ayaa inta badan u dhaxeeya taliyayaasha ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) waxa ay qorsheeyaan arrimaha amniga ee howlgalka.

Shirkaal ayaa halku dhigiisu yahay "Qorshaynta Wadajirka ah iyo Isku-dubbaridka si wax ku ool ah oo waqtigeeda looga guuro AMISOM looguna wareego ATMIS”, kulanka oo billowday Isniintii, ayaa waxaa goob joog ka ahaa wakiillo ka kala socday DFS, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya (SNA) iyo AMISOM, iyo sidoo kale saraakiil ka socota Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Adeegga Qaramada Midoobay ee Mine Action Service (UNMAS), Kooxda Taageerada Hawlgalka ee UK, iyo dhowr ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah.

"Shirkan, isagoo ah kii ugu dambeeyay ee hoos yimaada waajibaadka AMISOM, wuxuu calaamad muhiim ah u noqon doonaa qorshaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya marka ay AMISOM u gudubto ATMIS, taasoo ugu dambeyntii si buuxda ugu wareejin doonta mas'uuliyadda amniga Soomaaliya dhammaadka 2024." Ayuu yiri Danjire Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, markii uu si rasmi ah u furay shirka.

Danjire Madeira ayaa ku celceliyay baahida loo qabo in ciyaartoyda muhiimka ah ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan si ay si hufan u hirgeliyaan fikradda howlgallada cusub ee howlgalka (CONOPS 2022-2024), kaas oo ay weheliso Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya ee dib loo eegay, ka caawin doona in la gaaro waajibaadka cusub ee howlgalka dhamaadka sanadka 2024.

“Iyadoo la raacayo hawlgelinta Fikradda Hawlgallada iyo hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ee 2021-ka oo dib-u-eegis lagu sameeyay, Shirka Taliyeyaasha Waaxyaha gogol-xaar u ah waxaa ka mid ah gudubka hawlaha amniga ee isdaba jooga ah si ay Soomaaliya u soo ceshato bilicdeeda,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay bishii December 2017 ku heshiiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay habraacyada loogu talagalay in Soomaaliya ay si buuxda u qaadato mas’uuliyadda amnigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM