Wafdi uu hogaaminayo Necholas Kay oo gaaray Kismaayo

Image

October 9, 2014 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Wafdiga oo markii ay garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dageen wasiirro iyo mas'uuliyiin kale oo maamulka Jubbaland ka tirsani soo dhoweeyeen, waxaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo ay hadda kulan kula qaadanayaan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, madaxweyne ku xigeenada Fartaag iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Xog dheeraad ah lagama hayo waxa uu salka ku hayo safarka ay Kismaayo ku yimaadeen wafdiga uu hoggaaminayo Nicholas Kay, waxayse u badan tahay in labada dhinac ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyo weliba sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deegaanada Maamulka Jubba ee dhowaan laga xoreeyey Al-shabab.

Booqashada Nicholas Kay ee Kismaayo waxay kusoo aadaysaa xilli Jubbooyinka uu ka socdo hawlgal ballaaran oo ka dhan Al-Shabab kaasoo ay wadaan ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Faahfaahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM