Wafdi uu hogaaminayo Necholas Kay oo gaaray Kismaayo

Image

October 9, 2014 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Wafdiga oo markii ay garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dageen wasiirro iyo mas'uuliyiin kale oo maamulka Jubbaland ka tirsani soo dhoweeyeen, waxaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo ay hadda kulan kula qaadanayaan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, madaxweyne ku xigeenada Fartaag iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Xog dheeraad ah lagama hayo waxa uu salka ku hayo safarka ay Kismaayo ku yimaadeen wafdiga uu hoggaaminayo Nicholas Kay, waxayse u badan tahay in labada dhinac ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyo weliba sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deegaanada Maamulka Jubba ee dhowaan laga xoreeyey Al-shabab.

Booqashada Nicholas Kay ee Kismaayo waxay kusoo aadaysaa xilli Jubbooyinka uu ka socdo hawlgal ballaaran oo ka dhan Al-Shabab kaasoo ay wadaan ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Faahfaahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM

Lafta-Gareen oo Soo Rogay Canshuur Shaqsiyeed Iyadoo jiraan Amni-darro iyo Shaqo La’aan

Doorashadii Lafta-Gareen ee December 2028 ayaa u dhacda si aan xor iyo xalaal ahayn, oo rabshado ka dhaceen Baydhabo.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 08:02AM