Warar laga faafiyey wajiga labaad ee gulufka Al-Shabaab oo la beeniyay

Image
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kalsooni wanaagsan ka muujisay "in uu guuleysan doono" howlgalkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay gaashaanka ku dhufatay warar ku saabsan in wajiga labaad ee gulufka ka dhanka Al-Shabaab aysan ka talagelin dadka degaanka.

Wasiirka gaashaandhiga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur [Jaamac] oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa carabka ku dhuftey in qaban-qaabada howlgalkan ay ka socoto dhamaan maamul goboleedyada.

"Dhamaan degaanada aan ka howlgalno waxaa muhiimada koowaad iska leh shacabka. Meel walba oo ciidanka xoogga Soomaaliyeed tago waxa uu la kaashadaa dadka deganaka," ayuu ku difaacay wasiirka.

Jaamac ayaa kalsooni fiican waxa uu ka muujiyey in wajiga labaad ee gulufkan "looga xoreyn doono" xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida inta badan goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.

"Meelaha qaarkood xataa noogama baahna dadka shacabka ah in aan wargelino oo iyaga ayaa diyaar ah waxayna doonayaan in kaliya la caawiyo oo aan hub iyo waxaan aawood ku taageerno," ayuu xusay.

Dhanka kale, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay in ciidamadda dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya ay kaalin mug leh ku leeyihiin wajiga labaad ee dhaqdhaqaaqa ciidan.

Balse, Mr Jaamac ayaa ka gaabsadey in uu xaqiijiyo in cutubyo ballaaran oo kamid ah ciidamaddan ay qaarkood dalka soo gaareen waxaana uu kusoo koobay "waan soo dhaweynaynaa cid kasta ina garab-siineysa".

Itoobiya ayaa lagu waramay in ay xuduudaha dalka gaar ahaan Jubaland iyo Koonfur Galbeed ay kasoo talaabisay boqolaal ciidan ah kuwaasoo aan kamid ah howlgalka ku meelgaarka ah ee ATMIS.

Dadka dhaliilsan dowladda federaalka ah ayaa ka digay in wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab "uu guuldareysan karo maadaama aan la qaadin dhabaha wajiga koowaad oo ah kaalinta dadka degaanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM