Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha weerarka Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey hotel-ka Qaahira ee ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee magaaladda Beledweyne, kaasoo geystay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo albaabka ay ku furteen Al-Shabaab, iyadoo gudaha ay galeen illaa 3 qof oo hubeysan, kuwaasoo dilay in ka badan 10 qof, oo ay kamid yihiin Nabadoonada lagu kala magacaabo Aadan Raaxa jecel, Maxaamed Cisman Ileynaa iyo Aadan Maxamed Calasow Indhabur oo beesha Gaaljecel kasoo jeeday.

Askar iyo Saraakiil Ciidanka ayaa ku jira dadka dhintay, waxaana la shaaciyay inuu kamid yahay Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Galaangashe. Waxay dadka lahaayeen shir looga hadlayay dagaal lagu qaadayo Al-Shabaab-ka galbeedka gobolka Hiiraan.

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay inay dilaan saddex dabley ah oo gudaha mudo saacado ah ka dagaalamayay, iyadoo lagu soo afkaray dilkooda weerarka dhimashada badan sababay, oo Al-Shabaab ugu tala-gashay inay ku fashiliso qorshaha Beesha Gaaljecel ee dagaalka galbeedka Hiiraan.

Weerarka Beledweyne ayaa muujinaya sida Al-Shabaab wali khatar ugu tahay amniga dalka, iyadoo Kooxda kordhisay maalmahan dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mar walba oo dowladda howlgal billowdo, Al-Shabaab ayaa fulisa weeraro ay uga hortagayso gulufka dagaal ee ku wajahan deegaanada ay dalka ka maamusho, waxaana kooxda heshay fursad ay isku abaabusho markii ay laga joojiyay duulaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM