Wararkii ugu danbeeyay khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta DFS

Image

October 26, 2014 (GO)- Wararka laga helayo xarunta Villa Somalia maanta oo Isniin ah ayaa sheegaya inuu wali taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay Ra'iisul Wasaraha iyo madaxwaynaha Somalia.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somaliya Danjire Nichalos Key ayaa tan iyo shalay waday kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo Cabdiwali Shiikh Axmed, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari kuwaasoo u muuqda inuu xal ugu raadinayo muranka sii xoogaystay ee Villa Somalia la aloosan.

Wararku waxay sheegayaan kulamadii shalay Key la qaatay masuuliyiinta ugu saraysa DFS uu ku guul daraystay maadama dhinac kastaa uu ku adkaysan go'aanka uu horay u gaaray.

Khilaafkan ayaa sii xoogaystay markii Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Sabtidii lasoo dhaafay qaar ka mid ah isku shadheyntiisa ku sameeyay wasiiradda iyadoo Xasan Shiikh Maxamuud ku tilmaamay mid sharci daro ah falkaasi.

Cabdishakuur Mire Aadan oo ka mid ah dadka la socda siyaasadda Villa Somalia ayaa qaba sababta keentay khilaafkan inuu yahay dastuurka KMG ah oo aan si wanaagsan u kala qeexayn awoodaha xafiisyadda masuuliyiinta is haya ama si isku mid ah u dhigaya, culuska ugu wayna uu lee yahay dastuurka.

Murankan ayaa haddii uu sii socda waxa uu saameyn xoogan ku yeelanayaa shaqooyinkii ay dowladda Federaalka gacanta ku hayso xili welwel laga muujinayo suurta galnimadda in la qabto doorasho xor ah 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM