Warsame: Fariinta Twitter-ka ee NISA waxaa amray Farmaajo

Image
Madaxweynaha waqtiga ka dhacay ayuu ku eedeeyay in uu doonayo "in uu dalka u gacan-geliyo Al-Shabaab".

MUQDISHO, Soomaaliya - Fariinta xalay lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ee NISA waxaa amray madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo, sidda uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sheegay in uu warkan ku helay "xog sugan" ayaa sheegay in ujeedkeedu ahaa "isku day la doonayo in dalka dalka loogu gacan-geliyo argagexisadda Al-Shabaab".

"Sida aan xog sugan ku helnay farriinta lagu daabacay bogga Twitter -ka ee NISA waxaa amarkeeda bixiyey madaxweynaha xilkiisa dhamaaday. Waa isku day lagu carqaladaynayo doorashada dalka, gacantana dalka loogu gelinayo argagexisada Alshabaab," ayuu yiri.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo ku eedeeyay kooxda Farmaajo in ay ku fashilmeen muddo kororsi, laaluush, kala qaybin iyo xil ballanqaadis ay haatan adeegsanayaan "kaarkii ugu dambeeyay".

"Markii lagu guul darraystay muddo kororsi, laaluush, kala qaybin, xil ballanqaadis, ayaa la isugu hanjabayaa argagexisada. Waxaan u bahaan nahay in aan dalka ka ilaashanno argagexisada magaca siyaasadeed iyo midda kan diineed huwan oo ay dantoodu isku tolantay," ayuu xusay.

Dabaaldegga "ajandaha gurracan xambaarsan"

Warsame oo xusay in hay'adda sirdoonka qaranka ku fashilantey waajibaadkeeda sugida nabad-gelyad ayaa dalbaday baajinta "dabaaldegga 12-ka April ee ajandaha gurracan lagu hoos abaabulayo".

"NISA halkii ay ka ilaalin lahayd amniga dalka, iyadii ayey halistii amniga ka imaanaysaa. Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddu waa in ay isbedel degdeg ku sameeyaan hoggaanka hay’adaha amniga, waana in la joojiyaa dabaaldegga ajandaha gurracan lagu hoos abaabulayo ee 12ka April, maadaama aan 3 sano ee ugu danbaysay aan la qaban," ayuu tibaaxay.

Ugu dambeyn, xukuumadda xilgaarsiinta ee uu hogaamiyo Maxamed Xuseen Rooble ayuu cod dheer kaga dalbadey in uu isbadal ku sameeyo hay'addaha ammaanka, shacabkana ay garab-istaagga.

"Xukuumad, maamul, shacab, siyaasi iyo waxgaradba waa in meel uga soo wada jeesannaa halista uu dalka wajahayo oo xilligan adag badbaadinta dalka u wada istaagnaa, gacana iska qabanaa kuwo doonayaa in ay dumiyaan mirihii Nabada iyo dawlad dhiska dalkeena," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Warsame.

Soomaaliya ayaa taagan isgoys masiiri ah kaasoo go'aamin doona qaabka uu u ekaanayo sawirka dalka kadib doorashooyinka dib-u-dhac weyn uu hareeyay wallow hadda shaki laga muujinayo in ay qabsoomeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM