Wasiir shaaciyay inay jiraan Saraakiil dowladeed oo Xogta dagaalka la wadaaga Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xamse Cabdi Barre Cumar Cali Cabdi ayaa daboolka ka qaadey in ay ku jiraan dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Saraakiil sare oo xogaha howlgallada militeri toos ula wadaaga ama ugu dira Al-Shabaab.

Wasiiru-Dowlaha ayaa xusay inay dowladda wado baaritaan ku aadan Saraakiisha uu sheegay inay la shaqeyso Al-Shabaab, islamarkaana laga qaado doono tallaabo ay ugu horeyso in laga xayuubiyo darajoojinka ay leeyihiin, lagana saari doono diiwaanka Ciidamada.

"Saraakiil dowladeed oo shaqada laga fariisiyay ayaa xogaha siiya Al-Shabaab, waxayna la wadaagaan sirta dagaalka iyo howlgallada socda," ayuu yiri Cumar Cali, oo difaaca iyo taageeradda dowladda Xasan Sheekh xilka loogu dhiibay dhawaan.

Hadalkan ma ahan wax ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed oo horey u ogaa inuu jiro dhex-gal ay Al-Shabaab ku sameysay hay'adaha dowladda, Ciidanka iyo xafiisyada muhiimka ah, taasoo u sahlaysa kooxda inay hesho xogaha sirta ah, oo kuwa howlgallada militeri ay kamid yihiin.

Maalintii Jimcaha dowladda waxaa nawaaxiga Boos-hareeri oo katirsan Shabeellaha Dhexe lagu dilay Abukar Abdulle Raage Gar-Maqaate, oo kamid ahaa Saraakiisha sare ee Ciidanka dowladda. Waxaa la laayay askartii la socotay, iyadoo laga qaatay gaadiidkii dagaalka ay wateen.

Dowladda ayaa guul-darro kasoo gaartay dagaalka Shabeellaha Dhexe, oo deegaanadii horey uga saartay Al-Shabaab hadda qaar gacanteeda ka baxay, iyadoo kuwa kalena ay difaaci la'day, oo weeraro joogto ah ku socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM