Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey magacaabida labo mas'uul

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulankan ka qabsoomay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Axmed Xuseen Cilmi.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Xaniifa Maxamed Ibraahim, ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda— sharciga nidaamka Xukuumadda iyo abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM

Degganaansho oo Kusoo Laabatay Muqdisho Kadib Labo Maalin oo Dagaal Ah

Dhanka kale, saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sii wada dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 06:40AM