Wasiirada Soomaaliya oo warbixin laga siiyey dagaalka Al-Shabaab

Image
Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray "dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumadda oo "si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulihii ugu dambeeyey ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta".

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socda iyo goobihii ugu danbeeyey ee laga xoreeyey argagixisada "iyada oo goluhu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkii ay Khawaarijtu Muqdisho ka geysteen 21-kii bishan".

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray "dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta" oo jab xooggan ay gaarsiiyeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, gacantana lagu dhigay hub iyo deegaanno cusub oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen.

Sidoo kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa golaha warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay'adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM