Wasiirada Soomaalliya oo ansixiyey magacaabida taliye iyo heshiisyo

Image
Kulankan todobaadlaha ah ayaa waxaa guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM