Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo Muqdisho soo gaarey

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Eritrea oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa waxay saaka oo Isniin ah ay soo gaareen Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa Wafdi kusoo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa loo galbiyay Wafdiga, halkaasoo la filayo inay kulamo kula yeeshaan masuuliyiin ay kamid yihiin Madaxwaynaha dalka Maxamed Farmaajo iyo xubno kale.

Kulamadda ay wada qaadan doonan ayaa lagu wadaa inay diiradda ku saaraan qodobo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labadda geesoodka ah ee labadda dal.

Booqashadda uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Eritrea oo ku yimid Magaaladda Muqdisho ayaa daba socotay safar uu bishii hore ku tagay dalkaas Madaxwaynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Intii uu Farmaajo ku sugnaa Magaaladda Casmara waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay Madaxwaynaha dalkaas oo ay kawada hadleen qodobo muhiim ah, iyagana heshiisyo dhinacyo kala duwan taabanaya isla gaarey.

Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea uu ku yimid Muqdisho oo ah mid aan lasii shaacin ayaa waxaa uu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo masuu xukuumada Asmara ka socda ku yimaado Muqdisho, tobanaan-sano kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM