Wasiirkii saddexaad oo iska-casilay xukuumada federaalka Soomaaliya

Image
Wasiirka xilka ka degaya oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah kana soo jeeda Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Saadaam Maxamuud Cabdi, ayaa habeenimadii Talaadada iscasishay, iyadoo noqotay wasiirkii saddexaad ee xilka iska casila maalmihii ugu dambeeyay.

Wasiirka xilka ka degaya oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah kana soo jeeda Puntland ayaa ku biiraya labo wasiir oo ka tirsanaa dowladda federaalka oo kala ahaa Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Axmed Isman Ibraahim Daqare oo ka soo jeeda Jubbaland, kuwaas oo isku casilay khilaaf siyaasadeed oo ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in go’aankiisa ay ka danbeeyeen wax uu u arkayay in la siyaasadeynayo mashaariicda horumarineed ee laga wado Puntland oo uu sheegay in dowladda Federaalka ay wado dagaalo ka dhaca deegaanada Jubbaland.

Labo maalin kadib, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Axmed Nuur Sheekh Maxamed Loxox, halka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada loo magacaabay C/rashiid Maxamed Ducaale, isagoo buuxiyay boosaskii banaanaa.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo bilowday markii Madoobe uu ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho, isagoo dalbaday in Puntland iyo SSC Khaatumo lagu soo daro, iyadoo Puntland ay wali sii waday inay qaadacdo shirarka NCC oo khilaaf ka dhashay. la leh dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM