Webiga Jubba oo ku fatahay tuulooyin hoos taga Jamaame

Image

October 21, 2014 (GO)- Khasaare maaliyadeed oo badan ayaa ka dhashay fatahaad uu sameeyey webiga Jubba, kadib markii biyaha webigu cagta mariyeen gebi ahaan dalaggii beeraha ee deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Tuulooyinka webigu sida xooggan ugu fatahay khasaaraha maaliyadeed ee ugu badanna ka geystey waxaa kamid ah Makalaagow iyo Mashaqo oo labadooduba ah toolooyin hoos taga degmada Jamaame.

Sidoo kale waxay fatahaadda webigu ku khasabtay boqollaal qoys oo beeraley u badnaa inay guryahooda ka cararaan iyagoo cabsi ka qaba in biyaha webigu waxyeello soo gaarsiiyaan.

Ma jirto dad waxyeelo soo gaartey waxaana socda dadaalo ay wadaan maamulka Jamaame iyo dadweynaha oo iskaashanaya, dadaaladaas oo lagu doonayo in lagu xiro meelaha biyaha webigu kasoo jabeen.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii u dambeeyey cabsi laga qabey in webiga Shabeelle ku fataho magaalooyin ay kamid tahay xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyn.

Fatahaadaha labada webi ee Jubba iyo Shabeele sameynayaan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo todobaadyadii u dambeeyey ka da'ayey qaar kamid ah gobollada koonfureed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM