Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Ugu yaraan shan madfac oo nooca hoobiyeyaasha ah ayaa lagu weeraray agagaarka garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha ku dhow garoonka ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn oo la rumeysan yahay inay ahaayeen hoobiyeyaal, inkastoo aysan weli caddayn meelaha saxda ah ee ay ku dhaceen.

Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku dhegan Xalane, oo hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo ammaanka xarumahaasi muhiimka ah.

"Dhawaaqii qaraxyada aad ayuu u xooganaa, waxaana laga maqlayay qeybo badan oo magaalada ah," ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka ama hay’adaha ammaanka oo faahfaahin ka bixinaya khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jirto koox sheegatay mas'uuliyadda illaa iyo hadda.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho mararka qaar la kulanto weerarro qorsheysan oo ay fuliyaan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda.

Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waa mid kamid ah meelaha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay ka hesho Canshuurta, waxaana gacanta ku haaya Shirkadda Favori ee laga leeyahay wadanka Turkiga. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM