Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Ugu yaraan shan madfac oo nooca hoobiyeyaasha ah ayaa lagu weeraray agagaarka garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha ku dhow garoonka ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn oo la rumeysan yahay inay ahaayeen hoobiyeyaal, inkastoo aysan weli caddayn meelaha saxda ah ee ay ku dhaceen.

Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku dhegan Xalane, oo hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo ammaanka xarumahaasi muhiimka ah.

"Dhawaaqii qaraxyada aad ayuu u xooganaa, waxaana laga maqlayay qeybo badan oo magaalada ah," ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka ama hay’adaha ammaanka oo faahfaahin ka bixinaya khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jirto koox sheegatay mas'uuliyadda illaa iyo hadda.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho mararka qaar la kulanto weerarro qorsheysan oo ay fuliyaan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda.

Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waa mid kamid ah meelaha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay ka hesho Canshuurta, waxaana gacanta ku haaya Shirkadda Favori ee laga leeyahay wadanka Turkiga. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo Hakiyay Wadahadallada Israel xilli Colaadda Gaza Sii Kordhayso

Tallaabadan UK ayaa astaan u ah cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee caalamka…

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 04:33PM

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM