WFP iyo FAO oo ka digay hilis ku soo wajahan Soomaaliya

Image
Abaarahaan ba’an ee dalka ku dhuftay ayaa ku soo aadaya iyada oo dalku jiro marxalad siyaasadeed tii ugu xumeed.

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo Hay’adda FAO ayaa soo saaray digniintii ugu dambeysay ee sugnaanta cunnada Soomaaliya taasoo muujisay in lix milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ay wajahayaan xaalad cunto yari bilaha soo socda, haddii aysan roobabku curan.

Taasi waa ku dhawaad laba jibaar tiradii bilowga sanadka, ayay tiri Lara Fossi, ku xigeenka madaxa WFP ee Soomaaliya, iyadoo xustay in Soomaaliya ay ugu dambeysay macluul tii sanadkii 2011-kii balse ay si dirqi ah uga hortagtay 2016-2017, taas oo ay ugu wacan tahay faragelin bini'aadanimo oo degdeg ah.

"Tani waa indho-indhayn ay qiimayntani muujinayso inaan horay u ogaanay lix goobood oo Soomaaliya ah oo khatar ugu jira macluusha, kuwaasoo khatar ugu jira inay maraan jidkii 2011-ka haddii aan hadda wax laga qaban," ayay tiri.

Xaaladda ayaa si isku mid ah uga jirta Soomaaliya iyo South Sudan, halkaasoo "saddex-meelood laba meel oo dalka ah ay u badan tahay in ay wajahi doonaan gaajo inta u dhaxaysa May iyo July ee sanadkan," ayuu yiri Meshack Malo, Wakiilka FAO ee Koonfurta Suudaan, oo la hadlayay Zoomka isaga oo ku sugan Juba. "Marka la eego tirooyinka dhabta ah, taasi waxay ka dhigan tahay in tani ay tahay ilaa 7.74 milyan oo qof; tani waa tiradii ugu badnayd ee abid la diiwaan geliyo."

Macaluul ayaa looga dhawaaqay laba gobol oo ku yaalla Koonfurta Suudaan sannadkii 2017-kii, inkastoo gargaar caalami ah oo degdeg ah uu ka hortagay xaaladdu inay sii xumaato.

Isagoo soo xiganaya xogtii ugu dambeysay ee IPC ee ku saabsan cunno yarida guud ahaan Koonfurta Suudaan, Mr. Malo wuxuu xusay in 1.34 milyan oo carruur ah ay hayso nafaqo darro aad u daran. In ka badan 600,000 oo haween uur leh iyo kuwo nuujinaya ayaa sanadkan nafaqo darro haysataa”.

Waxyaabaha keenay cunto yarida daba dheeraatay ee Koonfurta Suudaan waxaa ka mid ah dagaalka sokeeye ee billowday 2013 soo afjaray 2020. Wuxuu sababay burbur baahsan, dhimasho iyo barakac, labo milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka iyo 2.3 milyan oo kale oo qaxooti ku ah dalalka deriska ah.

Dib ugu noqoshada Soomaaliya, waxyeelada ba'an ee roobabkii is-daba joogga ahaa ee baaqday ayaa durba dadka ku qasbay inay ka baxaan guryahooda iyagoo raadinaya cunto iyo shaqo.

"Waxaa jira daraasiin kaamamka ay ku nool yihiin dadka gudaha ku barakacay kuwaasoo si aad ah u koray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay," ayay tiri Ms. Fossi oo ka tirsan WFP, oo la hadlaysay Zoom-ka iyada oo ku sugan Muqdisho.

“Kumanaan qoys ayaa ku soo qulqulaya deegaannada ay abaaruhu sida aadka ah u saameeyeen. Dadkaas oo si aad ah u baadi goobaya gargaar ayaa marka aad booqato qaar ka mid ah xerooyinkaas, waxaa kuu muuqanaya in ay xarkaha goosteen dadka cusub ee soo gelaya oo intooda badan ay yihiin haween iyo caruur”ayay hadalkeeda raacisay ms Fossi.

Sarkaal ka tirsan WFP ayaa ka digay in hay'addu ay hadda "qaadeyso kaalmo dadka gaajaysan si ay u quudiso dadka ku jira xaalada halista ah" iyada oo la halgamaysa sidii ay u kordhin lahayd wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee 2.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya - "waa arrin aan macquul ahayn iyada oo la tixgelinayo farqiga maalgelinta gargaarka ee $ 149 million. ”.

Waxay intaas ku dartay: “Xogta ugu dambeysay waxay muujineysaa sida xawliga ah ee arrimuhu uga sii darayaan, iyadoo lix milyan oo qof ay hadda wajahayaan cunto yari ba'an bilaha soo socda. Tani waxay ku dhowdahay labanlaab tirada bilowga sanadka.

Abaarahaan ba’an ee dalka ku dhuftay ayaa ku soo aadaya iyada oo dalku jiro marxalad siyaasadeed tii ugu xumeed khilaafka siyaasiyiinta Soomaalidana uu gaaray meeshii ugu saraysay xilli doorashooyinku waqtigooda dib uga dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal U Dhexeya Ciidamada DFS iyo Jubbaland oo Ka Qarxay Baardheere, Gedo

Dowladda ayaa doonaysa inay degmooyinka Gedo kala wareegto maamulka Jubaland xili uu jiro khilaaf xoogan.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 07:44AM

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM