Xamse oo ka digay "isbaarada" loo dhigto Xujeyda Soomaaliyeed

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay xilli la filayo dhowaan ay bilaabato daabulida Xujeyda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Sabtida maanta ah waxa uu kormeer ku tegay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xarunta Wasaaradda ayuu kula kulmay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali si lamid ah Guddiga Maareynta iyo Maamulka Xajka.

Warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed ayuu dhageystay.

Sidda laga soo xigtey xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, warbixinta waxaa qeyb ka ahaa "jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan".

Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go'an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka.

"Dowladaha dariska ah qofkii in uu ku xajiyo $1,600, anagana aan sii mareyno $5,500 illaa $6,000; waa isbaaro loo dhiganayo cibaadada," ayuu hoosta ka xariiqay Xamse.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay kamid tahay dowladaha ay dhaqaalaha ugu badan dadkeeda uga baxaa arrimaha Xajka taasoo loo aaneeyo musuqmaasuq baahsan iyo lacago badan oo dul-saar ah.

GAROWE ONLINE

Dowladaha dariska ah qofkii in uu ku xajiyo $1,600, anagana aan sii mareyno $5,500 illaa $6,000; waa isbaaro loo dhiganayo cibaadada.

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM