Xamse: Waxaan rajeynayaa in Ciro uu dib soo celiyo wadahadalada

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.

“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha  inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamse ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub laga rajaynayo C ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM