Xamza Cabdi Barre oo Isku-shaandheyn ballaaran ku sameeyay Wasiiraddiisa

Image

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay xubno cusub ee Wasiirrada Xukuumadda JFS. Xubnaha la magacaabay iyo waaxyaha ay qaban doonaan ayaa kala ah:

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Maxamed Faarax Nuux – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Maxamed Cabdiqaadir Cali – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.
Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha.
Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.
Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Lama oga sababta balse tallaabadan ayaa imaanaysa xili Xukuumadda lagu eedeeyay wax-qabad xumo iyo inaysan ahayn mid tayo leh.

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM