Xamza Cabdi Barre oo Isku-shaandheyn ballaaran ku sameeyay Wasiiraddiisa

Image

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay xubno cusub ee Wasiirrada Xukuumadda JFS. Xubnaha la magacaabay iyo waaxyaha ay qaban doonaan ayaa kala ah:

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Maxamed Faarax Nuux – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Maxamed Cabdiqaadir Cali – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.
Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha.
Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.
Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Lama oga sababta balse tallaabadan ayaa imaanaysa xili Xukuumadda lagu eedeeyay wax-qabad xumo iyo inaysan ahayn mid tayo leh.

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir gaar ah oo doorashadda ku saabsan ku qabanaya Muqdisho

Khilaafka ka dhex jira maamulka Jubaland iyo Puntland iyo dowladda federaalka ayaa ah mid sii murjeynaya wadahadalada siyaasadeed.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 02:19PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu waramay inuu shuruud ku xiray booqashadiisa Laascaanood

Mas’uuliyiinta maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa casuumaad rasmi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 12:49PM