Xasan: Farmaajo marnaba diyaar uma ahan doorasho xalaal ah

Image
Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya ayaa ka hadlay cabsida laga qabo in dalka uu ka dhaco dagaal sokeeye.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay walka walka laga qabo in madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan doonayn in uu xilka ku wareejiyo si nabad ah ayaa sheegay in beesha Caalamka, mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed waqti galiyeen sidii dalkaan doorasho ugu dhici leheed loogana gudbi lahaa marxaladaan halista ah.

Xasan Sheekh oo la hadlayay Bogga Hanoolaato ayaa sheegay “In ay yartay cabsida laga qabo in dalkaan uu galo dagaal qabiil iyada laga tusaale qaadanayo dhibaatooyinka ay u soo dulqaateen si loo gaaro dowladnimo buuxda”.

Madaxweynihii 8 aad ee Soomaaliya ayaa sheegay in dalkaan uu halis badan ku jiray tan iyo markii talada dalka lagu wareejiyay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday horaantii sanadkii 2017-kii” marka la fiiriyo sida loo baalmaray dastuurka dalka iyo dhacdooyinkii foosha xumaa dalka ka dhacay”.

Xasan oo hada ah Musharax Madaxweyne ayaa cadeeyay “in marnaba uusan Farmaajo doonayn in doorasho si xor iyo xaal ah dimuqoraadi ah lagu kala baxo, laga soo bilaabo weerarkii Jawaari iyo Baarlamaanka lagu qaaday, wixii laga sameeyay dowlad goboleedyada dalka lagu soo gabagabeeyay sidii xilka looga qaaday ra’iisul wasaarihii seddex iyo bar la soo shaqeeyay”.

Farmaajo iyo nidaamkiisa ayuu ku eedeeyay in ay ku guuldaraysteen in ay hal maalin xitaa fiiriyaan waxa ku qoran dastuurka dalka oo dhigaya dhamaan qodobada la isku haayo xalkooda.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in qaladaad badana ay samaysay dowladda Farmaajo xilliga doorashada isaga oo qiray in doorashadu aysan ahaanayn ceeb la’aan.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Doorashada Soomaaliya ay maraysa meel xasaasi ah, iyadoo xubnaha cusub ee Golaha Shacabka ay kamid yihiin saraakiil ciidan iyo kuwo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya halka kuwa kalana loo diiday in ay shahaado qaataan sababo la xiriira cabasho laga keenay kurastooda.

Shahaado siinta xildhibaanada ayaa si dar dar leh uga socota magaaladda Muqdisho iyada oo ay jirto cabdi lagu qabo in uu sii jiro khilaafka doorashada waxtigeeda dib uga dhacday.

Hirshabeelle iyo Jubaland ayaa dhankooda gaabis ka muuqdaa, waxaana weli aan xal muuqda laga gaarin khilaafka hareeyay Garbahaareey oo ah degmooyinka labaad ee ay ka dhacayso doorashada maamulladaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM

Xog cusub oo kasoo korartay weerarkii Wargaadhi, Shabeellaha Dhexe

Deegaanka Wargaadhi ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka gobollada xeebaha iyo gudaha ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:31AM