Xasan Sheekh: Dhexdeena in aan dirirno duul nooga daran jiro

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka degaanka in ay ka fogaadaan colaad beeledyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka degaanka in ay ka dhowrsanaadaan khilaafaadka dhexdooda ah "si aysan fursad ugu noqon Khawaariijta Al-Shabaab".

Xasan Sheekh ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasoo oo uu booqdey "si uu u qiimeeyo xaalada degaanada xoreeyo cadowga," ayay tiri Villa Soomaaliya.

"Hal mid oo xaqiiqo ah oo la isku-raacay waxay tahay dadka degaanka cadowga in ay iska kiciyaan hadaaney rabin lagama kicin karo," ayuu madaxweynaha ku yiri nuqul kamid ah ka hadal-jeedintiisa.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ku booriyey dadka degaanada ay howlgalada ciidamadda ka socdaan in ay ka barbar-dagaalamaan ciidamadda ku sugan dhulkooda "ee laga yaabo in badankooda aysan isku heeb ahayn".

"Meelaha ay Khawaariijta wali ku harsan yihiin waa meelaha aysan wali dadkooda kicin. Muxuu idin kor joogaa [Al-Shabaab] oo uu usoo dhuukaaleysahaa"? Dhexdeena in aan dirirno duul nooga daran jiro," ayuu xusay.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli dowladda federaalka ay ka dhawaajisay in ay qorsheyneyso sidii loo bilaabi lahaa wajiga labaad ee howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab.

Howlgalada ciidamada ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Saraakiisha waxay hakadkan ku sababeeyeen dib-u-qaabeynta istaraatiijiyadda iyo sahay la'aan si gaar ah dhanka hubka iyo gaadiidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM