Xasan Sheekh iyo Amiirka Qadar oo "is-faham" ku gaarey Dooxa

Image
Dooxa ayaa la filayaa in bilooyinka soo aadan ay martigeliso shir ku saabsan xaalada Soomaaliya.

DOOXA, Qadar - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad.

Labada mas'uul ayaa kulankooda "ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar

Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya ayaa xusay sida ay Dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya.

"Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa," sidda ay sheegtey Villa Soomaaliya.

Dooxa ayaa bilooyinka soo aadan waxay martigelinaysaa shir looga hadlayo ammaanka Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Kulankaas ayaa ah wajiga labaad ee is-arag bishii hore ka qabsoomay magaaladda Washington DC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM