Xasan Sheekh: Kaalinta mufakiriinta mar walba wana tabaynay

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaasi oo maanta Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.

Madaxweyne Xasan ayaa dul-istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.

“Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”.

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas'uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM