Xasan Sheekh ma xiri karaa Axmed Madoobe?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay warqad ay ku sheegtay inay tahay mid lagu soo xirayo Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubaland, oo 25-kii bishan markii 3aad ku guuleystay xilka kadib doorashaddii Kismaayo.

Warqadda Maxkamadda ayaa ku qoray eedeymo culus, oo ay kamid tahay qiyaano-qaran, la shaqeynta dowladdo shisheeye, iyo inuu kasoo horjeeda midnimada dalka iyo nidaamka dowladnimada, iyadoo aan jirin wax cadeymo ah oo lasoo bandhigay.

In hay'addaha dowliga loo adeegsado dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Maamuladda ayaa lagu tilmaamay inay lidi ku tahay dastuurka, waana go'aan qaldan oo dalka dib ugu celin kara colaadii uu kasoo kabsanayay.

Dad badan ayaa aaminsan in dowladda Soomaaliya dagaalkeeda ku kooban yahay afka kaliya, islamarkaana aysan awoodin inay inta Kismaayo Ciidankeeda tagaan oo Axmed Madoobe soo xiraan. 2019, dowladdii xiligaas jirtay ayaa sidaas sameyn waysay iyadoo adeegsatay Ciidanka Itoobiya.

Kismaayo100% waxay gacanta ugu jirtaa Axmed Madoobe, dhanka dibada cirka iyo dhulka cid aan isaga ogeyn kama soo gali karto magaaladda. Waxaa lagu tilmaamay hadal warqad ku qoran iyo riyo maalmeed go'aanada kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aadan Madaxweynaha Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa mudo 11 sano ah Madaxweyne ka ah Jubaland, isagoo dhistay Ciidan awood u leh inay difaacaan, kuwaasoo hadda gacanta ku ah degmooyin dhowr ah, oo Kismaayo iyo Afmadow ku jiraan, waxayna ku hareeraysan yihiin Raaskambooni oo Ciidanka dowladda ku jiraan.

Ma noqonayo Xasan Sheekh hogaamihii ugu horeeyay oo isku daya inuu la wareego Jubaland, haddana uguma dambeyn doono, sida Axmed Madoobe sheegay, waxaana xiisadda taagan iyo eedeymaha dowladda u jeedinayso Axmed Madoobe sii kala fogeynayaan dalka.

Ciidankii markii hore mideysnaa ee hal meel uga soo wada jeedan dagaalka AS ayaa maanta isku soo jeeda, taasoo nasiib darro lagu tilmaamay, waxayna taariikhda Xasan Sheekh ka galaysaa baal madow, hadii Jubaland ka dhaco dagaal dhiig ku daata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM