Xasan Sheekh oo baal-maray Shir ay ku baaqday Beesha Caalamka - XOG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Shalay oo Jimco ahayd shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaasoo markii u dambeysay oo la qabtay October 2024 ku dhamaadey fashil.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay shir ku muddeysan 1-da ilaa 2-da May, isagoo casuumad u diray madaxda Galmudug, HirShabeelle, iyo Koonfur Galbeed, kuwaasoo ah madaxweyneyaasha ugu dhaw dowladda ee xilka haysa. Waxaa sidoo kale warar soo baxaya sheegaya in Puntland loo diray casuumaad, halka Jubaland ay ka maqantahay.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamullada ayaan si guul leh u qabsoomin tan iyo 2022 markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo dalka uu galay kala-qeybsanaan siyaasadeed iyo hubanti la'aan mustaqbalka.

Madaxda Shirka Wadatashiga Qaran ayaa shirkoodii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho October 2024 ku kala kacay, wuxuuna ku dhamaadey natiijo la'aan, iyadoo fashilka ka dhashay ajandaha, oo madaxda qaar ay diideen wax ka bedelka dastuurka iyo dhismaha gudi doorasho oo aan oo dhamayn.

Shirka cusub ee uu iclaamiyay Madaxweynaha ayaa hoos u dhacay rajadii laga qabey, iyadoo uu baal-maray midkii ay Beesha Caalamka ku baaqday ee ahaa Wadatashi Qaran, oo kulminaya Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada rayidka.

Beesha Caalamka ayaa soo jeedisay in shirkan uu noqdo midka ay ka soo qaybgalaan dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee dalka, sida dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, saamilayda siyaasadeed, iyo bulshada rayidka.

Waxay Wakiiladda Beesha Caalamka la kulmeen Xasan Sheekh markii uu kasoo laabtay safarkiisii Turkiga bishii lasoo dhaafay, iyagoo ugu baaqey inuu la fariisto dhinacyada khuseysa arrimaha masiiriga, si loo helo go'aan mideysan, oo aaddan dagaalka Al-Shabaab, oo khatar ku ah amniga qaranka, oo hoggaamiyeyaasha dalka ay ka gaabiyeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Beesha Caalamka ay ka niyad-jabsan tahay in Xasan Sheekh uusan ku baaqin shirkii ay rabeen, ee looga hadli lahaa arrimo ay ku jiraan siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, kaasoo qabashadiisa suurta gelinaya in saaxiibada caalamka ay bixiyaan taageero dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo biyo-qabow ku shubey booqashadda Xamse ee Laascaanood

Xasan Sheekh oo ka hadlayay madasha caalamiga ah ee Antalya Diplomacy…

  • Soomaliya

    12-04-2025

  • 07:49PM

Maxay tahay Fariinta ay dirayso booqashadda Xamse ee Laacaanood?

Xamsa, oo kumanyaal shacabka Laascaanood ah kula hadlay garoonka, ayaa uga mahadceliyey soo dhowaynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay ku qaabileen

  • Soomaliya

    12-04-2025

  • 12:06PM