Xasan Sheekh oo biyo-qabow ku shubey booqashadda Xamse ee Laascaanood

Image

ANTALYA, Turkiga – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoos u dhigay miisaanka booqashadii uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ku tegay magaalada Laascaanood, taasoo ay dad badan – gaar ahaan bulshada Khaatumo – u fasirteen inay astaan u tahay aqoonsi rasmi ah oo dowladda Federaalka ay siineyso maamul-goboleedka ay dhisanayaan.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay madasha caalamiga ah ee Antalya Diplomacy Forum oo ka socota dalka Turkiga, ayaa tilmaamay in booqashadaasi ahayd mid nabadeed. Wuxuu caddeeyay in Ra’iisul Wasaaruhu u tegay Laascaanood si uu u abuuro jawi ku habboon oo labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland ay wadahadal nabadeed ku geli karaan.

“Shaqaaqadii ka dhacday Laascaanood dowladda Federaalka Soomaaliya lug kuma lahayn. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu halkaas u tegay si uu u sameeyo jawi labada dhinac ay ku wada hadli karaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka Madaxweynaha ayaa si weyn uga hor imanaya dareenka iyo aragtida ay qabaan dad badan oo reer Khaatumo ah, kuwaasoo safarka Xamse u arkayay inuu ahaa astaan isbeddel siyaasadeed oo ka timid dowladda Federaalka.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo ka mid ah isimada SSC-Khaatumo ayaa si adag uga falceliyay hadalka Madaxweynaha, wuxuuna yiri: “Nimco walba nusqaanteeda leh. Madaxweynihii qaranka oo xamili kari waayey soo dhoweyntii heer qaran ee loo sameeyay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa.”

Dhinaca kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa war rasmi ah ku sheegay in safarka Xamse uu qeyb ka yahay dadaallada xukuumadda Federaalka ee lagu xoojinayo midnimada dalka iyo gurmadka adeegyada ka jira deegaannada ay SSC-Khaatumo sheegtaan.

Turkiga ayaa horey u waday dadaallo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Somaliland tan iyo sanadkii 2012, hase yeeshee dadaalladaasi wax natiijo muuqata ah ma aysan dhalin.

Related Articles

Cirro oo ka hadlay booqashadda Xamse ee Laascaanood

Heshiiska noocaas ah Muuse Biixii ayaa sanad hore la galay Abiy Axmed, oo uu sheegay inay Itoobiya ku aqoonsanayso Somaliland.

  • Soomaliya

    13-04-2025

  • 12:12PM

Jubaland Maka Qeyb-gali doontaa Wadahadalka Uu Xasan Sheekh Ku Baaqay?

Mas’uuliyiinta Jubaland waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay si siyaasadaysan u adeegsanayso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    13-04-2025

  • 08:26AM