Xasan Sheekh oo digniin kasoo saarey maalgalinta kooxaha aragagixisada

Image
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta wuxuu shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada. 

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee NAMLC, hey’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada. 

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada. 

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed. 

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta.

Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM