Xasan Sheekh Oo Diiday in Dowladiisa La Dhaliilo Xilli Dalka Ka Jiraan Caqabado

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin ah u diray dadka dhaliilsan dowladdiisa xilliga uu dalku la daalaa dhacayaa caqabadaha gudaha iyo dibadda, isagoo ku dooday in qof walba uu mas’uuliyad ka saaran yahay difaacidda wadanka.

Sida ay sheegeen siyaasiyiinta ka feker duwan Villa Somalia, Shaki kuma jiro in Xasan Sheekh uu halgan ugu jiro mudo-korarsi iyo dib u dhigista doorashooyinka 2026, isagoo ku marmarsiyoon doono inuu qabanaya doorasho qof iyo cod ah, taasoo isaga ka diiday Farmaajo xiligii uu mucaaradka ahaa.

Dowladda hadda jirta ayaa hanaankii qabyo-tirka dastuurka ku meel gaarka ah ee uu maamulka Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu curyaamiyay, iyadoo aan lagala tashan cid kasta oo ay khusayso.

Tani waa arin lagu micneeyay mid aan suurtagal ahayn xili Soomaaliya in awoodda hal gacan lagu soo koobo oo meesha laga saaro nidaamka Federal-ka, iyadoo loogu baaqay Xasan Sheekh in uu ka waantoobo.

Shariif Sheekh Axmed oo su’aal ka keenay in isbedel lagu sameeyo dastuurka iyo wada shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo sii yaraaneysa, ayaa sheegay in dalka u baahan yahay siyaasad mideysan iyo nidaam doorasho oo loo dhan yahay.

Xasan Sheekh wuxuu ku dhaqmayaa dhamaan wixii uu ku dhaliili jiray Farmaajo, waxaana la filayay dib u doorashadiisa inuu wax ka baran doono qaladaadkii ka dhacay mudo-xileedkiisa 1aad.

Waxaa hadda jira walaac laga muujiyay in dalka uu dib uga dhaco guulihii laga gaarey dhinacyada siyaasadda iyo amniga, sababo la xiriira wadatashi la'aanta iyo isku soo koobida arrimaha masiiriga ah uu sameynayo Madaxweynaha.

Shirkii Gollaha Wadatashiga Qaran oo in la isku keeno madaxda dhib badan laga maray ayaa fashilmay, iyadoo uu ka baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo ku eedeeyay Villa Somalia inay dabada ka riixeyso muddo kordhinta madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Swan oo Xamsa ugu tagey xafiiskiisa kadib markii Shirka kusoo celin waayay Axmed Madoobe

Xasan Sheekh ayaa wajahaya culeysyo badan oo uga imaanaya dhinaca Maamul Goboleedyada maadaama aysan ku qanacsanayn siyaasadiisa.

  • Soomaliya

    16-10-2024

  • 09:03AM

Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho siisey ardayda Suudaan

Ardaydan ayaa wax ka baran doonta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanad dugsiyeedka 2024-2025.

  • Soomaliya

    15-10-2024

  • 05:51AM