Xasan Sheekh oo guul ku tilmaamay heshiiska DFS iyo PL

Image

October 17, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey heshiiskii saddex maalmood kahor [October 14, 2014) magaalada Garowe ku dhex maray Dowaladda Federaalka iyo Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xasan Shiikh ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi ka dhigan yahay guul weyn oo la gaarey maadaama Puntland qayb weyn ka qaadaneyso geedi socodka la doonayo in lagu dhiso midnimada, qaranimada iyo dimuqraadiyada Soomaaliya.

"waxaan aqoonsannahay guusha ay Puntland gaartay 16-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo xoojisay islamarkaana dhistay hay’ado awood leh...Puntland wax badan ayey ka geysan kartaa dhisidda Soomaaliya oo awood leh, dimoquraadi ah islamarkaana mideysan" war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa dhanka kale sheegay in heshiiskani dhabaha u xaarayo sidii loo dhisi lahaa Gudiga Xuduudaha  Maamullada Federaalka iyo Gudiga Doorashooyinka, labadadaas gudi oo muhiim u ah higsiga 2016.

"todobaadyada soo socda waxan rajeynayaa in horumar laga sameyn doono qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sameynta gudiga xuduudaha iyo federaalka iyo gudiga doorashooyinka"

Heshiiska Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalku kala saxiixdeen oo ka koobnaa 12 qodob ma ahan kii ugu horeeyey ee labada dhinac wada gaaraan, waxase la filayaa in heshiiskani kuwii hore ka bedelnaan doono maadaama hirgelintiisa loo saaray gudi isku dhaf ah oo si joogto ah ula socon doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM