Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray wadahadalka Al-Shabaab

Image
Tan iyo markii mar kale dib loo doortey 15-kii May, 2022, maamulka Xasan Sheekh ayaa dardargeliyey ciribtirka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida .

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Carabiga ayaa ka hadlay arrmo ay kamid tahay la dagaalanka Al-Shabaab iyo qadiyadda Falastiin.

Tan iyo markii mar kale dib loo doortey 15-kii May, 2022, maamulka Xasan Sheekh ayaa dardargeliyey ciribtirka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida wallow bilooyinkii lasoo dhaafay uu hakad ku jiray.

Dowladda federaalka ayaa gaabiskaas waxay ku sababeysay abaabulka wajiga labaad ee howlgaladda ciidan oo ay tibaaxdey in ay ka bilaaban doonan maamul goboleedyadda Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Xasan Sheekh ayaa meesha ka saarey in mustaqbalka dhow uu imaan karo wadahadalo dhexmara dowladda federaalka iyo Al-Shabaab "kahor inta heshiis laga gaarayo shuruudaha ay miiska la imaanayaan".

"Al-Shabaab waa dhalinyaro Soomaaliyeed. Malahan dal aan Soomaaliya ahayn," ayuu carabka ku adkeeyay, isaga oo muujiyey in uu diyaar u yahay in uu soo dhaweeyo "in ay si nabad ah qeyb uga noqdaan dadkooda".

Geedi-socodka la marsiiyo xubnaha kasoo baxa maleyshiyada Al-Shabaab waxaa kamid ah in lagu sameeyo dhaqan-celin wallow xaruntii shaqadaas qabaneysay ay haatan wajahayso dhaqaale la'aan aad u baahsan.

Dagaalka maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ku ekeeyay kooxda hubeysan waa mid saddex geesood ah waxaana ugu horeeya furinta dagaalka, dhaqaalaha iyo olole lagu ciribtirayo fikirka dagaalameyaasha.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay "si hagar la'aan ah" u garab-taagan tahay qadiyadda Falastiin "si lamid ah dowladaha kale ee Carabta kuwaasoo fagaareyaasha aduunyada ka difaaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM